Mid ka mid ah Ilaaladii Jaamacadda Garissa oo lagu soo eedeeyey inuu ku lug lahaa weerarkii Alshabaab.

Maxkamadda magaalladda Nairobi ayaa shalay dhegeysatay dacwad loo haysto mid ka mid ah Ilaaladdii Jamaacadda Garissa oo ay Alshabaab weerareen bishii April 2-dii ee sannadkii hore.

Sarkaalka Guud ee Ammaanka Jaamacadda Garissa, Elias Wambugu ayaa ka hor sheegay Maxkamadda in Cismaan Cabdi uu maalintaasi fasax ka ahaa shaqada, balse uu arkay isagoo dhismaha Jaamacadda ku sugaan maalintii ay Alshabaab soo weerareen Jaamacadda.

“Waan la yaabay markaan arkay isagoo shaqada jooga habeenkaasi, waxaan u imid inaan ogaado in Ilaaliyaha la xiray maalin kadib weerarkii Alshabaab” ayuu yiri Wambugu oo intaasi ku daray in Cismaan Cabdi ku-dhawaad 3 bilood ka hor la shaqaaleysiiyey intaysan Alshabaab weerarin Jaamacadda Garissa.

Sarkaalkaasi ayaa Maxkamadda u tegay si uu ugu markhaati furi Kiiska loo haysto Cismaan Cabdi iyo  Eedeysanayaasha kale ee lagu kala magacaabo Maxamed C/qaadir, Xasan Aadan, Sahal Diiriye iyo Nin u dhashay dalka Tanzania oo lagu magacaabo Rashiid Jaarles, kuwaasi oo lagu eedeynayo inay ku lug lahaayeen weerarkii Alshabaab ku qaaday Jamaacadda Garissa.

Dhamaantooda wey beeniyeen Eedeymaha loo haysto, waxaana mar kale la soo maxkamadeyn doonaan bisha Marso 3-da ee sannadkan.

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor