Mid ka mid ah Ilaaladda Madaxweyne Gaas oo lagu dilay Gaalkaacyo

Wararka naga soo gaarayo Waqooyiga Gaalkacyo waxay sheegayaan in xalay halkaasi lagu toogtay Sarkaal ka tirsan Ciiddanka Puntland oo lagu magacaabi jirey Axmed Xasan C/raxmaan “Gaandhi”.

Sarkaalkaasi ayaa la sheegay inay toogteen kooxo hubeysan oo aan la aqoonin, kuwaasi oo goobta ka baxsaday markii ay dileen Sarkaalkaasi oo isagu ka mid ahaa Ilaaladda Khaaska ee Madaxweynaha Puntland, C/weli Maxamed Cali Gaas.

Goobjoogayaal ayaa u sheegay Radio Dalsan in Marxuumka dhowr xabbadood looga dhuftay madaxa iyo laabta, wuxuuna u geeriyooday dhaawacyadaasi.

Dhinaca kale, Ciiddamo fara badan ayaa saakayto hawlgal ka wada magaalladda Gaalkacyo, si loo soo xiro kooxihii ka dambeeyey dilkii Marxuum Axmed Xasan C/raxmaan “Gaandh”.

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media