Mid ka mid ah Hooyooyinka dhashay gabdhihii Soomaaliyeed ee lagu la’ yahay Britain oo sheegtay inaysan gabdhaha ku biirin Daacish.

Iyadoo ay Boliska Britain shaaciyeen in ay baadi-goobayaan 3 gabdho Somali ah oo la la’aa tan iyo bilowgii bishan ayaa waxaa hadashay mid ka mid ah Hooyooyinka dhalay gabdhahaasi.

Hooyadaasi oo lagu magacaabo Layla Saalax oo ku nool Xaafadda Wood Green ee Waqooyiga magaalladda London ayaa u sheegtay Wargeyska The Daily Mail ku sheegtay inaysan filaynin inay gabdhahaasi u dhoofeen dalka Syria, si ay ugu biiraan Kooxda Daacish.

“Kama baqanayo in gabdhaha Xag-jir noqdeen, ma aysan  qaadanin Baasabooradooda, waxaana rajeynayaa inay si ugu dhaqsaha badan ku soo laaban doonaan” ayey tiri Hooyo Layla.

Saddexda gabdhood ee la la’ yahay ayaa lagu kala magacaabaa: Cabir Saalax oo 16-jir ah, Axlaam Salaax oo 15-jir ah iyo  Fardowsa Xasan oo 13-jir ah.

Boliska Britain waxay tilmaameen in Cabir Salaax iyo Fardowsa Xasan la waayey bishan December 6-dii, halka Axlaam Saalax iyadana la waayey bishan December 12-dii.

Sidoo kale, Boliska ayaa rumeysan inaysan gabdhahaasi ka dhoofeen Britain,  balse laga yaabo inay dhex seexdaan Basaska ama goobaha kale ee gaadiidkalaga raaco.

gabdho 1111

©Radio Dalsan 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor