Mid ka mid ah Guryaha ku yaalla degmada Kaaraan oo Caawa qarax ka dhex dhacay

Caawa degmada Kaaraan ee Gobolkaan Banaadir waxaa ka dhacay qarax geestay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxaan ayaa la sheegay in uu ku qarxay Guri ku yaalla meel aan ka fogeyn Xaafada Buurta Diikow  ee degmadaasi Kaaraan uuna ahaa mid Guriga lagu diyaarinayay balse la qarxay dadkii waday diyaarinta qaraxa.

Dadka ku nool Xaafada qaraxa uu ka dhacay ayaa waxa ay Dalsan u sheegeen in mar qura ay maqleen Jugta qaraxa isla markaana ay ogaadeen in uu ahaa mid Guriga lagu diyaarinayay.

Sidoo kale dadka deegaanka ayaa waxa ay sheegeen in qaraxaas uu ku geeriyooday hal qof oo Guriga ku sugnaa isla markaana Maanta ka yimid degmada Qoryooleey ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Dhan kale Saraakiil ka tirsan Ciidamada Booliiska Gobolka Banaadir ayaa waxa ay sheegeen in haatahn ay wadaan baaritaano dheeraad ah isla markaan dib ay ka faah faahin doonaan.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media