Mid ka mid ah ergadii soo dooratay Baarlamanka oo lagu dilay Muqdishu

Suldaan Sayid cali, oo ka mid ahaa waxgaradkii wax ka soo xulay baarlamaanka Federalka, ee lagu soo doortay magaalada Cadaado, ayaa maanta lagu dilay degmadda Hodan ee Muqdishu.

Marxuum Sayid cali, Eebbe ha u raxmadee, waxaa uu noqonayaa marxuumkii dhawr iyo labaatanaad, ee lagu dilo Muqdisho, tan iyo markii la soo dhisay baarlamaankan.