Mid ka mid ah Dhalinyaradii uu Shaqaaleysiiyay Maamulka Gobolka Banaadir oo Caawa la dilay

Kooxo ku hubeysnaa Bustoolado ayaa Caawa  Xaafada Via Roma e degmada Xamarweyne Waxa ay ku dileen Wiil Dhalinyaro ah  oo la sheegay in uu ka mid ahaa Shaqaalaha Gobolka Banaadir.

Wiilkan la dilay ayaa wararku waxa ay sheegayaan in uu ka mid ahaa Dhalinyaradii uu dhawaan Shaqaaleysiiyay Maamulka Gobolka Banaadir isla markaana uu mudo yar Shaqeynayay.

Dad Goobjoogayaal ah ayaa waxa ay dalsan u sheegeen in dadkii ka dambeeyay dilka wiilkaas Dhalinyarada ah ay goobta ka baxsadeen Ciidamo ka tirsan kuwa dowladdana ay halakasi tageen wallow aysan ku guuleysan in ay qabtaan dadkii ka dambeeyay dilkaas.

Xiriir ayaan la sameeynay Maamulka degmada Xamarweyne masuuliyintooda si aan wax uga weeydiino dilkaas balse kama jawaabin taleefoonadeena.

Dilka Caawa ka dhacay Xamarweyne ayaa waxa uu ku soo aadayaa xili saakay aroortii hore degmada Waaberi lagu dilay Gudoomiye laameed ka tirsanaa Maamulka degmada Xamar Jajajab ee gobolkaan Banaadir.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media