Gelinkii dambe ee Maanta ayaa waxaa Magalada Garoowe ee Xarunta gobolka Nugaal ku geeriyooday Agaasimihii guud ee Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Qoyska ee Maamulka Puntland .
War-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa lagu xaiijiyey geerida Marxuumka,isla markaana loogu tacsiyadeeyey.
Geerida Marxuumka ayaa lagu xaqiijiyay Warsaxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Puntland, Kaas oo Tacsi loogu diray Ehelada Marxuumka
Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Tacsi guud u diray dhammaan gGolaha Wasiirada Puntland iyo shacabkooda, sidoo kale wuxuu Madaxweynuhu si gaar ah ugu tacsiyeeyay Qoyska iyo Eheladii Allaah ha’u naxariistee Marxuun Cabdirisaaq Nuux Maxamed ( Hantiile ), isagoo Alle uga baryay marxuunka inuu ka waraabiyo Janno Fardowso Aamiin Aamiin. “