Michael keating oo Sheegay inay qaali tahay Kharajka Korantada laga isticmaalo Muqdisho

Ergayga Gaarka ee QM ugu qaabilsan Somalia, Michael Keating  waxa uu BartA Twitter-ka ee UNSOM soo dhigay  in Korantada laga isticmaalo Somalia  tahay tan ugu qaabilsan Qaaradda Afrika.

Wuxuuna xusay in Halkii Kiilo-waat oo Koronto ah ee lagu isticmaalo magaalladda Muqdisho ku kacayso in ka badan hal dollar saacadiiba.

Michael Keating  waxa uu  Twitter-kiisa ku xusay in sannado badan oo colaado hubeysan ka jireen Somalia ay sababtay inay burburaan Qeybtii Tamarta iyo inuu Deegaanka wasaqoobo.

Dhinaca kale, Ergayga Gaarka ee QM ugu qaabilsan Somalia, Michael Keating  waxa uu shalay booqday Xarunta Wakaalladdii Xoogga Korantada Ummadda ee ENEE, halkaasi oo ay shirkadda BECO u yaallaan Matooradda Koraantada siiya qeybo ka mid ah Xaafadaha Muqdisho.

Waxa uu ugu baaqay Maalgeliyayaasha inay taageero ka geystaan sidii loo cusbooneysiin lahaa Tamarta Korantada, wuxuuna nasiib-xumo ku tilmaamay Qiiqa Matooradda Korantada ee dhibaatada ku haya Dadka iyo Deegaanka.

Websayka UNSOM ayaa qoray inuu Michael Keating ka qeyb geli doono Shirweyne ka dhici doonta dalka Bortiqiiska bilowga bisha soo soocta, oo looga hadli doonto Maalgelinta Qeybta Tamarta Korontada ee Somalia.

Kulankaasi waxaa kaloo ka qeyb geli doona  Saraakiil ka socota Wasaaradda Tamarta ee Xukuumadda Federalka Somalia.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media