Meydka Wiil dhalinyaro ah oo laga helay degmada Kaaraan

Wararka aan ka heleyno qeybo ka mid ah degmada Kaaraan ee gobolkaan Banaadir aya waxa ay sheegayaan in Xeebta degmadaas lag helay meydka wiil Dhalinyaro ah oo ay Baddu soo tuftay.

Taliye ku xigeenka Saldhiga degmada Kaaraan Xuseen Badmaceeye,oo la hadlay Warbaahinta dowladda ayaa sheegay  in wiilka meydka ah da’ ahaan lagu qiyaasay 20-sano jir islamarkaana baddu ay kasoo tuftay nawaaxiga Kawaan Bari ee magaalada Muqdisho.

Waxa uu intaasi ku daray hadalkiisa in si fiican aan loo aqoonsan karin meydka wiilkaas,kadib markii uu Badda mudo Saacado ah ku jiray.

Xiliyada qaarkood ayaa waxa ay Baddu qaadaan Dhlinyrao farabadan kuwaas oo doonaya in ay u dabaal tagaan balse ay dhibaato ka soo gaarto.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media