Meydadka 4-dagaalame oo katirsan Alshabaab oo lagu soo bandhigay Magalada Baraawe.

Kadib dagaal ciidamada dowlada iyo Dagaalamayaasha Alshabaab ku dhexmaray Magaalada Baraawe ayaa waxaa soo baxaya faah-faahin dheeraad ah oo ku aadan khasaaraha ka dhashay weerarkaasi.

Maamulka Degmada Baraawe ayaa khamiistii maanta magaaladaa kusoo bandhigay 4-dagaalame oo ay sheegeyn in ay ka tirsanyihiin  Alshabaab ,kuwaa oo la sheegay in ay ku geeriyoodeyn Dagaalkii xalay ka dhacay Magaaladaasi.

Gudoomiyaha Degmada Baraawe Xuseen Barre Maxamed ayaa wareysi uu siiyay Radio Dalsan waxa uu ku sheegay in magaalada ay kusoo bandhigeyn 4-meyd oo uu ku sheegay in ay ahaayeen dagaalamaayal katirsan Alshabaab 2-kamid ah meydadkaas ayuu sheegy in ay ahaayeen ajaanib.

Halkan ka dhageyso Gudoomiyaha Baraawe:

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media