Meles Zenawi oo dejiyey qorshaha deganaansho la’aanta Somalia, si loo dheelitiro Awoodda Milliteriga ee Mandiqadda.

Ra’isul-wasaarihii geeriyooday ee Ethiopia, Meles Zenawi waxa uu dejiyey qorshe ku aadan Siyaasadda Dibedda iyo Ammaanka Qaranka ee Ethiopia.

Marka dib loogu laabto sannadkii 2002-dii Meles Zenawi waxa uu qoray qorshe uu u dejiyey dalkiisa, inkastoo aan marnaba la daabacin qorshahaasi oo lagu kala dhantaalayo Miisaanka Awoodeed ee Gobalka Geeska Afrika “The balance of power in the Horn of Africa region”.

Arrimaha Meles Zenawi u degsanaa ayaa ahaa in la wiiqo Midnimadda dalka Sudan, iyadoo Koonfurta noqoto meel ay ka jirro deganaansho la’aan iyo Kacdoon, halka Waqooyigana uu ku muujiyey inay ka tirsan yihiin Dunida Carabta.

Waxa kale oo uu ku baraarugsanaa dalka Masar oo ay taariikh caddowtooyo ka dhexeysay, isla markaana Masar doonaysay inay Ethiopia tabar darayso sababo la xiriira muranka Kontoroolka Webiga Niil.

Dowladda Masar waxay doonaysay inay Somalia iyo Eritrea ku soo darto Xiisadda Caalamka iyo in Ethiopia lagu kala qeybiyo iyadoo loo adeegsadanayo dalalka deriska.

Laakiin, Meles Zenawi waxa u suurto-gashay inuu Somali ka ololiyo Dagaallo ugu dambeyntii keenay inay midnimaddii Somalia kala daadato.

14 sanno kadib, qorshihii Meles Zenaawi waxay xaqiiqdii noqotay mid gacan sarreysa, mana dhicin in mid ka mid ah wixii uu ka baqanayey inay u soo gudbaan dalkiisa.

Laakiin, Madaxweynaha Masar, C/fataax Siisii iyo Boqorka Sacuudiga, Salmaan Bin C/casiis ayaa waxay iyagoo gacmo-gashi (gloves) wata ka shaqeynayaan Arrimo la xiriira Ammaanka Gobalka.

Dowladda Sacuudiga waxay si toos ah u bilaabeen inay dhaqaale ku taageeraan Mucaaradka Ethiopia iyo Kooxaha Wahaabiyadda, kuwaasi oo tartan kula jira Suufiyadda dhaqan ahaan ku xooggan Gobalka, cusbooneysiinta colaadaha iyo Maleeshiyooyinka Mujtama Muslimka.

Haddii ay xiisadaha ka jira Geeska Afrika sii xumaadaan, oo colaadaha Milliteri kor u sii kacaan, waxaa suurtogal ah inay masiibo ka dhacdo Gobalka, taasi oo xitaa keeni karta masiibo ku timaada Dhaqaalaha Caalamka.

Inta badan dhamaan Ganacsiga Badda ee u dhexeeya Europe iyo Asia waxa uu sannadkiiba ku kaca adduun dhan 700 Billion oo Dollar, kuwaasi oo sii dhex mara Gacan-biyoodka Babaul-mandab ee Koonfurta laga galo Badda Cas oo looga sii gudbo Kanaalka Suweys.

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor