Maydka wiil yar oo Somali ah oo laga helay Webi ku yaalla Maraykanka

Boliska Federalka Maraykanka ayaa shaaciyey inay heleen maaydkaa wiil yaar oo Soomaali ah, kaasi oo la la’aa tan iyo maalintii Khamiista ee la soo dhaafay.

Wiilkaasi oo la oran jirey Xamsa Cilmi ayaa la sheegay inay badai-goobkiisa ka qeyb galeen Ciiddan badan, iyadoo Warbaahinta laga baafiyey wiilkaasi oo 6 jir ahaa.

Qoyska Wiilkaasi yar ayaa tuuraanyo dareemay, maarkii maaydka wiilkaasi laga helay gunta hoose ee Webiga Mississippi ee magaallaadda Saint Cloud ee Gobalka Minnesotta.

Kooxaha Quusa Webiyadda ayaa la sheegay inay maydka wiilkaasi ka soo saareen Webiga.

Boliska waxay sheegeen inay baaarayaan maydka wiilka, si loo ogaado sababta uu u geeriyooday.

Xamsa Cilmi waxa uu arday ka ahaa Dugsiga Hoose ee Madison Elementary School ee magaalladda Saint Cloud ee dalka Maraykanka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor