Maydka Nin Soomaali ah oo laga helay Xeebta dalka Koonfurta Afrika.

Maydka  Nin Somali oo ay Badda soo tuftay ayaa laga helay Xeebta Starand ee Gobalka Western Cape ee dalkaasi.

Mid ka mid ah shaqaalaha Machadka Qaranka ee Gurmadka Badda ee Koonfur Afrika (The National Sea Rescue Institute (NSRI)  ayaa helay maydkaasi oo la xaqiijiyey inuu ahaa Wiil dhallinyarro Soomaali ah oo la la’aa tan iyo galabnimaddii Khamiistii la soo dhaafay.

Marxuumka geeriyooday oo 20-jir ahaa ayaa la sheegay in la waayey, kadib, markii uu ku mirqay badda, xilli uu Khamiistii hore ku dabaalanayey Xeebta.

Qoyska Marxuumkaasi ayaa la sheegay inay Boliska gacan ka siinayaan baaritaanka Maydkaasi oo aan weli magaciisa la shaacinin.

Marxuumkaasi ayaa la sheegay inuu degganaa Degmadda Kuils River oo 25 Km dhinaca Bari kaga toosan magaalladda Cape Town.

WESTERN CAPE

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor