Dhageyso:-Maydka Nin haan Shidaal ku dhex dhintay oo laga helay Hargeysa

Magaalada Hargaysa ee xarunta Somaliland, ayaa shalay gelinkii dambe haan Shidaal waxaa ku dhintay qof, halka laba kale oo xaaladooda liidato laga soo saaray.

Saddex ayaa loo diray inay soo nadiifiyaan gudaha haanta Shidaalka Kaalinta Cali Baarjeex ee Xaafada Calaamadaha Magaalada Hargaysa, sida ay sheegeen Saraakiisha.

Mid ka mid ah saddexdii ruux ayaa ku dhex dhintay haanta gudaheeda, waxaana ciidanka dam damiska Somaliland ay soo badbaadiyeen labadii kale oo xaaladooda ay liidato.

Axmed Maxamed Sawaaxili oo ah taliyaha ciidamada dabdamiska Somaliland ayaa warbaahinta u sheegay in dhankooda loo soo qeylo qaaday si ay u soo badbaadiyaan qofka gudaha ku haray, balse nasiib darro uu dhintay.

Ruuxa dhintay ayuu taliyaha magaciisa ku sheegay C/fitaax Maxamuud Cismaan, wuxuuna taliye Sawaaxili ka digay in gudaha loo galo haamanka shidaalka, waliba kuwa dhulka hoostiisa ku jira.

Hoos Ka Dhageyso Codka taliyaha ciidamada dabdamiska Somaliland Axmed Maxamed Sawaaxili.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media