Maydka haweeney da’ ah oo boorso lagu riday oo la helay

Mid ka mid ah shaqaalaha Saldhigga Tareenadda ee caasimadda dalka Japan ee Tokyo ayaa la sheegay inuu helay boors lagu soo qariyey maydka haweeney da’ ah oo looga tegay boosteejadda laga raaco Tareenadda.

Maydkaasi ayaa la sheegay in halkaasi looga tegay 30 maalmood ka hor.

Boliska Tokyo ayaa la sheegay inay shalay fureen Boorsadaasi oo taallay  meel qabow ah.

Maydka ayaa la sheegay inuu dhererkeedu ahaa 140 cm (4 cagood iyo 6 hiish).

Boorsadda lagu qariyey maydka ayaa la sheegay inuu dhererkeedu ahaa 70cm x 50cm x 25cm.

Warbaahinta Japan ayaa sheegtay in maydkaasi halkaasi looga tegay bishii April 26-dii ee la soo dhaafay.

Waxaa Turjumay: Nuradin Abokor Ahmed

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor