Maydadka iyo Dhaawacyadda Tahriibayaal Afrikaan oo laga helay meel ku dhow Xuduudka Masar iyo Yuhuudda.

Ilo ka tirsan Ciiddanka Ammaanka ee dalka Masar ee ku sugan magaalladda Ismaaciliyah ayaa sheegay inay Boliska maanta helaan maydadka 15 Tahriibayaal Afrikaan ah oo la dilay.

Wakaalladda Wararka REUTERS ayaa waxay ka soo xigatay Boliska Masar in ay Kooxo hubeysan oo aan la aqoonin geysteen dilkaasi.

Boliska waxay kaloo isla goobtaasi ka heleen 8 Tahriibayaal oo dhaawacan, kuwaasi oo u muuqday in ay Maleeshiyadda uga tageen inay mayd yihiin.

Ma cadda kooxda ka dambeysay dilkaasi iyo sababaha loo dilay, inkastoo ay Maleeshiyadda taabacsan Daacish ka hawlgalaan Deegaanadda ku dhow Xuduudka Masar iyo Yuhuudda.

 

© Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor