Maydadka Baarayaal la shaqeynayey QM oo laga helay Kongada Dimuqraadiga.

Afhayeenka Dowladda dalkaasi, Lambert Mende ayaa sheegay in maydadka 2-da Khabiir oo ka soo kala jeeda Maraykanka iyo Sweden iyo Turjumaankooda laga helay meel ku dhow Webiga Moyo ee  Gobalka Dhexe ee Kasay.

Maydadkaasi ayaa la la’aa in ka badan 2 isbuuc, xilli ay baaritaano ku samaynayeen dagaalo halkaasi ka dhacay.

Hadal ka soo baxay Boliska dalkaasi ayaa lagu sheegay in maydadka la helay lagu kala magacaabi jirey Michael Sharp oo Maraykan ahaa iyo  Zaida Catalan oo  u dhalatay dalka Sweden  iyo Turjumaankooda oo la oran jirey Isaac Kabuayi.

Dadkaasi waxaa la la’aa tan iyo bishan March 12-dii.

Dhinaca kale, Xoghayaha Guud ee QM, Antonio Guterres ayaa sheegay inay baari doonaan qaabka loo dilay Labada Khabiir ee la shaqeynayey QM.

 ©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media