Maxkamadeynta Dhalinyaro Soomaali ah oo weli ka socota Mareykanka

Maxkamadeynta dhalinyaro Soomaali ah ayaa maalintii 13aad waxa ay ka socotaa magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka.

Dhalinyaradan 3 wiil ah waxa loo heystaa iney isku dayen iney ku biiran kooxda Daacish iyo iney weeraro ka fuliyan meelo ka baxsan wadankasi.

Ehelada eedeysanayaasha ayaa weli diidan in wiilasha ay doonayen iney taageeran ama ku biiran kooxda Daacish.

Eedeysanayaasha oo kala ah Maxamed Cabdixamiid Faarax,Cabdiraxman Yaasiin Da’uud iyo Guuleed Cali Cumar waxaa ku marqaati furaya wiil kale oo Soomaali ah oo lagu magacaabo Cabdirisaaq Warsame.

Dowlada Mareykanka ayaa maanta maxkamada geysay marqaati kale oo hore u wareystay Cabdirisaaq Warsame sida VOA ay baahiyen.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor