Maxkamadeynta 13 Qof oo Lala Xiriiriyay Al Shabab oo Laga Bilaabayo Uganda

Seddex iyo toban ruux, oo dowlada Uganda ku eedeysay in ay ku luglahaayeen, werar bishii july ee sanadkii 2010 ka dhacay goob Maqaayad ah oo ku taalay magalada Kampala ee caasimada dalka uganada ayaa lagu wadaa in mar kale maxkamada lasoo taago.

Weerarkii Kampala, ayaa ka dhacay goob lagu daawanayay ciyaaraha Aduunka gaar ahaan kulan dhexmaryay xulalka Netherlands iyo Spaine, kaasoo ahaa Filnal, ayaa waxaa ku geeryooday 76 ruux, oo dhamaantoo dawaanayay ciyaaraha,waxaana werarkaasi sheegtay Xarakada Al Shabab ee Somaliya.

Bishii October, ayaa waxaa maxkamada Dastuuriga dalkaas, ay shegtay in ay dhawaan dib ubilaaban doono maxkamadeynta taasoo loo balansanaa todobaadkaan.

Eedeysanayaasha ayaa waxaa ay kala yihiin todobo kasoo jeeda wadanka Kenyans, shan udhashay dalka Ugandans iyo hal ruux oo heysta dhalashada dalka Tanzanian, waxaana lagu eedeyay in ay agcasaar la lahaayeen Al shabaab.

Sanadkii 2011 ayaa waxaa Maxkamad sare ee dalka Uganda, ay 25 sano oo xarig ah ku xukuntay nin lagu magacaabo Edris Nsubuga, oo 31-jir laguna eedeyay in uu door ku lahaa werarkii qaraxyada ahaa ee ka dhacay dalka Uganda sanadkii 2010.

Xarakada Al shabab, ayaa waxaa ay ugu hanjabtay dowladaha ciidamada usoo diray somaliya ay wadamadooda ay ka geysa doonaan weraro lamid ah kuwa ay ka fuliyeen dalalka Kenya iyo Uganda.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor