Maxkamadda Sare ee Soomalia oo Laashay Sideed Kursi

Maxkamadda sare ee Soomaaliya ayaa laashay sideed ka mid ah kuraasta aqalka hoose ee baarlamanka Soomaaliya,, waxayna amartay in dib loogu noqdo doorashaadooda.

Warqad kasoo baxday maxkamadda oo ku taariiikheysan 16-ka bishan May ayey maxkamaddu ku sheegtay in kadib dacwo socotay in ka badan 5 bilood ay baabi’isay go’aankii xubnaha Madasha Qaranka iyo Guddigii Doorashada Federaalka ee lagu fasaxay 8 kursi oo ka mid ahaa 11 kursi ee Guddiga Xalinta Khilaafaadka horey u laaleen.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in maxkamada taageertay go’aankii Guddiga Xalinta Khilaafaad ee ahaa in kuraastaas la laalo, islamarkaana dib loo galo doorasho cusub.

Maxkamada sare ayaa sheegtay inay amreyso in dib doorasho cusub loogu tartamo kuraasta ay ku fadhiyaan xildhibaanada kala ah.

1. Cabdullahi Maxamed Adan Shaacir

2. Maxamed Saciid Cabdullahi

3. Maxamed Axmed Abdtidoon

4. Nadif Aadan Isaaq

5. Muna Khalif Sheekh Abu

6. Cabdicasis Salax Carmaan

7. Sharmarke Garaad Saleebaan Buraale

8. Samra Ibrahim Cumar

Dadka maxkamadda usoo gudbiyey dacwadan ee ku dooday kuraasta sideedda ah ee maxkamadda ay amartay in dib loogu tartamao ayaa kala ah:-

1. Muumino Sheekh Cumar

2. Aadan Maxamed Cali

3. Khaalid Cumar Cali

4. Maxamed Mukhtar Ibrahim

5. Boqor Cabdullahi Axmed Cali

6. Malaaq Sidow Maadow

7. Ibrahim Saalax Dayfullah

8. Caasho Xaaji Cilmi

Ma cadda sida go’aankan uu u dhaqan gali doono, waxaana jirta in kuraasta ay maxkamadda laashay ay xildhibaanada ku fadhiya horey uga qeyb galeen doorashadii madaxweyne ee dalka ka dhacday, iyo go’aano ay soo saareen baarlamanka Soomaaliya.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media