Maxkamadda Sare ee Kenya oo xayiraadda ka qaaday Hay’addo Islaami oo lala xiriirinayey Alshabaab

Garsoore Anyara Emukhule oo ka tirsan Maxkmadda Sare ee Kenya ee ku taalla magaalladda Mombasa ayaa amray in xayiraadda laga qaado Labo Hay’ad u dooda Xuquuqda Aadanaha oo lagu tuhunsanaa inay maalgeliyaan Xarakadda Alshabaab.

Garsooruhu waxa uu sheegay inaan la haynin caddaymo muujinaya inaysan  Hay’addaha  HAKI Afrika iyo  Muslims for Human Rights (MUHURI) wax xiriir ah la lahayn Alshabaab.

Waxa kaloo uu tilmaamay inay Dowladda Kenya ku guul-daraysatay inay krrnssn sababo macquul ah oo lagu xayirayo Lacagaha Xisaabaadka Bangiyadda ee Labadaa Hay’adood, wuxuuna amray Bangiyadda inay dib u furan Xisaab-lacageedyada Labada Hay’adood.

Hay’addaha HAKI Afrika iyo  Muslims for Human Rights (MUHURI) waxa Dhaqdhaqooda Hawleed la xayiray bishii April ee sannadkan, kadib, markii ay dhaceen Weeraradii Alshabaab ku qaadeen Jaamacadda Garissa oo lagu dilay 148 qof oo u badnaa Arday.

Xilligaasi waxay Dowladda Kenya xayiraad ku soo rogtay 85 Ganacsade, Bangiyo iyo Xawaaladaha Soomaalida ka hawlgala gudaha Kenya, kuwaasi oo lagu tuhunsanaa inay maalgeliyaan Hawlgalladda Alshabaab ka fuliyaan gudaha Kenya.

Dhinaca kale, Hay’adda HAKI waxay soo dhaweeyeen Go’aanka Maxkamadda Sare Kenya kuna tilmaameen guul u soo hooyatay Dastuurka iyo dadka Kenya.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor