Maxkamadda Sare ee Ciiddamadad Qalabka Sida waxay maanta laashay Rafcaanka dhowr Eedeysane ay ka qaateen xukun at Maxkamadda Darajadda Koowaad ee Ciiddamadda bishii hore 25-dkii ku riday rag loo haystay dilkii Allaha U Naxariistee Marxuumad Hindiya Xaaji Maxamed Kheyre oo ka mdi ah Suxufiyiinta Warbaahinta Qaranka.
Maxkamadda Sare ee Ciiddamadda Qalabka Sida waxay dib u eegtay Xukunkii ay Eedeysanayaasha ka qaateen Rafcaanka, waxayna Maxkamadda maanta xukmisay:-
- C/risaaq Maxamed Barrow Caddow oo 28-jir ah iyo Xasan Nuur Cali Faarax “Sheekh Aweys” oo 37 jir ah waxaa lagu xukumay Dil Toogasho ah.
- Macalin Maxamed Abuukar iyo Macalin Maxamed Sheekh Yuusuf Wardheere, waxaa lagu xukumay Xabsi Daa’im.
- Cali Xasan Aadan “Tooni” waxaa lagu xukumay 15 sanno oo Xabsi Ciiddan ah.
- Muxiyadiin Cismaan Maxamed Cawaale, waxaa isagana lagu riday 10-sanno oo Xabsi Ciiddan ah.
Allaha U Naxariistee, Marxuumad Weriye Hindiya Xaaji Maxamed oo ka tirsanayd Weriyayaasha Telefishinka Qaranka (SNTV) iyo Radio Mogadishu waxay ku geeriyootay qarax miino oo loogu xiray gaarigeeda taariikhdu markay ahayd bishii December 3-dii ee sannadkii hore.
©Radio Dalsan