Maxkamadda Nairobi oo amartay in Xabsiga lagu sii hayo Nin asalkiisu yahay Somali oo lala xiriirinayo Alshabaab

Ninkaasi oo lagu magacaabo Abdirahman Salad Mahamoud ayaa shalay la soo taagay Maxkamadda Nairobi, iyadoo lagu eedeynayo inuu xubin ka yahay Alshabaab.

Eedeysanaha oo ay Ciiddanka Boliska Kenya ee La-dagaalanka kooxaha loogu yeero Argagixisadda (ATPU) bishan 5-dii ka soo qabteen Xaafadda Eastleugh ayaa beeniyey labo fal-dembiyeed oo lagu soo oogay o okala ahaa inuu ka tirsan yahay Alshabaab iyo inuu si sharci-darro ah ku joogo Kenya.

Dacwad-ooge lagu magacaabo Andrew Momanyi ayaa ka codsaday Maxkamadda inaan damiin lagu sii dayn Karin Eedeysanaha, oo uu ku tilmaamay inuu yahay qof khatar ku ah Ammaanka Kenya.

Guddoonka Maxkamadda ayaa amray in Eedeysanaha xabsiga lagu celiyo, si ay Boliska u dhamaystirtaan Baaritaankooda, iyadoo Kiiskaasi mar kale la dhegeysan doono Isniinta soo socota.

© Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor