Maxkamadda Mombasa oo xukun ku riday Nin dilay Sheekh Qunyar-socod ahaa.

Mr Mohamed Sudi Said alias Mohamed Hussein inMaxkamadda sare ee magaalladda Mombaasa ee dalka Kenya waxay xukun dil ah ku riday Eedeysane Maxamed Suudi Saciid oo lagu naanayso Abu Osman, kaasi oo lagu helay inuu dilay Guddoomiyihii hore ee Golaha Iimaamyadda iyo Culumadda ee dalka Kenya,  Sheekh Maxamed Idris oo caan ka ahaa Mombasa.

Garsoore Martin Muya ayaa ku dhawaaqay xukunka dilka ee lagu riday Gacan-ku-dhiiglaha, kadib  markii lagu dilay inuu dilay Marxuumkaasi.

Dukumenti loo soo gudbiyey Maxkamadda ayaa lagu sheegay in Marxumka la toogtay  xilli uu ku sii jeeday Masjidka si uu ugu soo tukado Salaadda Subax bishii June 10-dii ee sannadkii 2014-kii.

Gacan-ku-dhiiglaha waxa uu Marxuumka hal xabbad kaga dhuftay caloosha, taasi oo uu u geeriyooday markii la geeyey Isbitaalka.

Dhinaca kale, Sheekh Maxamed Idris waxa uu ahaa Shiikhii 4-aad ee dhowrkii sanno ee la soo dhaafay lagu dilay Gobalka Xeebta ee Kenya, wuxuuna horey ugu sheegay Boliska inay noloshiisa khatar ku jirto oo ay u hanjabeen koox dhallinyarro Xagjir ah.

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor