Maxkamadda Maamulka Puntland oo Xukun Dil Ku Riday Dad Lala Xiriiriyay Al Shabab

Maxkamadda Maamulka Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa Maanta xukun dil ah ku riday Afar Qof oo ay la xiriirisay Al Shabab.

Afartan qof ee Xukunka Dilka lagu riday waxa ay kamid ahaayeen Sideed qof oo Al Shabab looga shakiyay,iyada oo Afarta ruux ee kalena lagu riday Xukuno kala duwan sida Xukun Xabsi Abid ah.

Maamulka Puntland Dagaal ayuu kula jiraa Ururka Al Shabab.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor