Maxkamadda Ciidamadda Qalabka sida Oo Xukuntay Dhalinyaro Lala Xeriirinayo Al shabab

Maxkamadda ciidamada qalabka ayaa maanta xukuno ku riday seddax ruux oo lagu sheegay in ay ka tirsan yiin dagaalamayaasha Al shabaab.

Seddaxda ruux ee la xukumay ayaa kala ah.

1- Xuseen C/qaadir salaad

2- C/risaaq xuseen cusmaan iyo

3- Fartuun isaaq cabdi

Kaaliyaha Maxkamadda Ciidamadda Qalabka sida ee darajadda koowaad Xasan cali Shuute oo xukunka ku dhawaaqay ayaa shaaciyay seddaxdaasi ruux ay maxkamadda darajadda koowaad ay ku xukuntay Xabsi daa’in.

Seddaxda qof ee la xukumay ayaa laga soo qabtay guri ku yaala Xaafada Carafaad ee degmadda Yaaqshiid waxaana la shaaciyay in Al shabaab ay u qaabilsanaayeen Dhanka Qaraxyadda.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor