Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo maanta xukuno riday

Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ee dowladda Soomaaliya ayaa manta xukuno kala duwan ku riday ilaa iyo 6-qof oo dambiyo kala duwan lagu soo eedeeyay.

Xukunada ay riday Maxkadda  Darajada Koowaad ee Ciidanka  Qalabka Sidda ee Soomaaliya ayaa isugu jira Dil,Xabsi daa’in Iyo Xabsi Kasii Dayn.

Gaashaanle Dhexe Xasan Cabdiraxman Aadan oo ah kaaliyaha Maxkamada Darajada Koowaad ee ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay xukunadda.

Waxaa uu sheegay in C/qaadir Xuseen Xasan oo ka tirsanaa ciidamadda dowladda federaalka Soomaaliya lagu xukumay dil toogasho ah kadib markii uu dilay Marxuum Maxamed Yamoow Axmed.

Sidoo Kale Waxaa Xabsi daa’in lagu xukumay C/qaadir  Cilmi Shire oo la sheegay inuu ka Tirsanaa Al Shabaab.

Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa dhowr jeer riday Xukuno Ceynkaan oo kale ah.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor