Maxkamadda Ciidamada oo Xabsiga Dhigtay Sarkaal Ka Tirsanaa Ciidanka Madaxtooyada

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sidda Ee Soomaaliya ayaa xabsiga dhigtay sarkaal lagu magacaabo Cabdishakuur Mursal Maxamad oo ka tirsanaa ciidanka ilaalada madaxtooyada Soomaaliya, kaas oo loo haysto in Taariikhdu markay ahayd 24/04/2017  uu gaari nooca ciidamadu leeyihiin oo uu darawal ka ahaa ku jiiray Al-baabka hore ee laga galo Madaxtooyada Soomaaliya marxuum Tahliil Jimcaale Hubane.

dhacadadaas oo sidoo kale sababtay dhaawaca qof kale oo dumar ah, taas oo hadda daryeelkeeda ay gacanta ku heyso dowladda Soomaaliya.

Gudoonka  Maxkamadda Ciidanka Gaashanle Sare Xasan Cali Shuute ayaa Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee SONNA u sheegay in ay soo gaartay  garsoorka Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida cabashada ehelada marxuum Tahliil Jimcaale Hubane, sidaasna baaris lagu bilaabay ugu dambayna loo xiray dhacdadaas Sarkaalka lagu soo eedeeyay oo ahaa Darawalka Gaariga dhibka gaystay.

Madaxtooyada Soomaaliya oo hore uga hadashay dhacdadaasi ayaa sheegtay in ay aad uga xuntahay baarisna lagu sameynayo sida shilkaasi ku dhacay.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media