Maxkamada Sare ee Scotland oo ku heshay Muwaadin Somali ah inuu dilay nin kale oo Soomaali ah

Mohamed Ahmed ayaa lagu helay inuu Marxuum la oran jirey Mohamed Abdi dilay bishii May 26-dii ee sannadkii 2013-kii.

Xeer-beegtida Maxkamadda Sare ee caasimadda Scotland ee Glasgow ayaa ku heshay Eedeysanaha inuu geystay dilkaasi oo ka dhacay magaalladda Edinburgh.

Eedeysanaha oo 29 jir laguna naanayso Jamal Saeed  ayaa la sheegay inuu u baxsaday Somalia, maalmo kadib, markii uu falkaasi geystay.

Baarayaasha ayaa sheegay inay suunkiisa Iaga helay goobta uu dilku ka dhacay, iyadoo Warqadihiisaa Aqoonsiga ee Lacagaha lagu dhigto Bangiga laga dhex helay gaarigii  uu falku ku geystay.

Maxkamadda ayaa ogaatay in Eedeysanaha iyo Marxuumka la dilay ka mid ahaayeen Kooxo iska soo horjeeday oo  ka ganacsada Daroogadda.

Eedeysanaha waxa uu beeniyey inuu u baxsaday Somalia, markii uu dilku geystay, wuxuuna sheegay inuu qoyskiisa la joogay guriga ay ka deggan yihiin magaalladda London.

Eedeysanayaasha kale ee ku lugta lahaa dilka Marxuumka oo lagu kala magacaabo Mohamud Mohamud,  Caadil Huseen iyo  Hussein Ali oo  26-jir ah ayaa waxaa horey loogu kala xukumay xabsi dhan min 25 sanno.

Xigasho: Daily Record

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor