Maxkamada Malta oo Muwaadin Soomaaliyeed ku eedeysay inuu dhacay Dahab iyo Qalin

Wargeyska Malta Today ayaa qoray inay Boliska xireen Qaxooti Soomaali ah oo lagu magacaabo Maxamed C/risaaq Axmed oo 21-jir ah, kaasi oo lagu eedeeyey inuu Dalxiise u dhashay Talyaaniga ka dhacay 2 Katiinad oo isugu jirtay Dahab iyo Qalin.

Eedeysanaha oo ku nool Degmadda SILEMA ee W/bari Xeebaha Malta ayaa la soo taagay Maxkamadda, kadib, markii lagu soo oogay inuu Dalxiisaha xoog uga goostay Katiinadahaasi qoorta ugu xirnaa, isagoo dalxiis ahaan u joogay Xeebta magaalladda PACEVILLE.

Eedeysanaha waxa uu beeniyey inuu dhacay Katiinadahaasi, balse, Dalxiisihii la dhacay  ayaa ku dooday inuu 100% rumeysan yahay inuu Eedeysanaha yahay ninkii isaga dhaca u geystay.

Dalxiisaha waxa kale oo uu Maxkamadda u sheegay inuu Katiinadahaasi ku soo iibsaday 400 EURO, wuxuuna  soo bandhigay Qaan-sheegtada Dukaankii uu ka soo iibsaday oo ku yaalla magaalladdaVALETTA.

Dhinaca kale, Maxkamadu waxay ku gacan-sayrtay in Eedeysanaha damiin lagu sii daayo, iyadoo sheegtay inuu lahayn Cinwaan iyo Guri rasmi oo uu ka deggan yahay Jesiiradda Malta.

Sarkaalka Boliska ee gacanta ku hayey Kiiskaasi ayaa isagana sheegay in hantida uu dhacay Eedeysanaha guud ahaan lagu qiimeeyey ku-dhawaad 500 oo Euro (€500)

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media