Maxkamada Hargeysa oo xukun ku riday Wiil Bartiisa Facebook ku dhaliilay Madaxweynaha Soomaaliland

Wararka naga soo gaaraya Magalada Hargeysa ayaa waxa ay sheegayaan in Maxkamada Magaladaas ay Maanta xukun ku riday Maxamed Keyse Bigeeye oo Bartiisa Facebook ku dhaliilay Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi.

Xeer Ilaalinta Maxkamada Magalada Hargeysa ayaa Maxamed Keyse Bigeeye waxa ay ku eedeysay in Bartiisa Facebook uu ku soo qoray Erayo ay ka mid ahaayeen,Muuse Biixi waa Local,taas oo sababtay in Xasbiga la dhigo.

Mudo ayaa la sheegay in uu Maxamed Keyse Bigeeye ku jiray Xasbiga Hargeysa,waxana Maanta lahokeenay Maxkamada,iyada oo Maanta lagu Xukumay Sanad iyo Lix Bilood.

Maxamed Keyse Bigeeye ayaa hadda kahor loo xiray in uu Buug ka qoray Waxqabadka Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Buugaas oo uu ugu magacdaray(Tusaalaha Guusha)

Sikastaba xukunka Xabsiga ah ee Maanta lagu riday Maxamed Keyse Bigeeye ayaa daba socda Xukun Saddex Sano ah oo shalay lagu riday Abwaanad Naciimo Abwaan Qorane oo lagu eedeyey in ay ku dhaqaaqday fal lidi ku ah qaranimada Soomaaliland.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media