Maxkamada Garoowe oo baadi goobeysa Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya

Maxkamada Maamul goboleedka Puntland ayaa baadi goobeysa Xildhibaan feysal  Cabdullahi Guuleed oo ka tirsan baarlamanaka dowladda Federaalka Soomaaliya kaas oo lagu soo oogay dacwad ka dhan ah.

Xildhibaanka ayaa Maxkamada Magaalada Garoowe ay amartay in uu yimaado 7/6/2017 Maxkamadda Horteeda iyadoo lagu eedeeyay in uu kiristay guri ku yaalla Magalada Garoowe balse uu Magaalada ka soo tagay isagoo aan bixin lacagti lagu lahaa.

Gudoomiyaha Maxkamadda Darajadda koowaad ee Degmadda gorowe Cabdi nuur Ow jaamac Xuseen ayaa ku saxiixnaa Warqada ka soo baxday Maxkamada Magaalada Garoowe,waxana xildhibaanla la sheegay in weli gurigii uu u xiran yahay isagoo aan ka guurin taasina ay ka dhigan tahay in ay kiro ku socoto.

Xildhibaanka ayaa haatan ku sugan Magaalada Muqdisho waxana la sugayaa in uu dhawan ka jawaabo eedeynta loo soo jeediyay ee loo heesto lacagtii Guri uu kirestay islamarkaana uu hortago Maxkamada Madaniga ah ee Magalada Garoowe.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media