Maxkamada dalka Britain oo dib u dhigtay dacwad loo heestay Haweeney Soomaali ah

Maxkamad ku taalla Britain oo dib u dhigtay dacwad lagu soo oogay Haweney lagu magacaabo Barwaaqo Ahmed oo 43-jir ah, taasi oo bishii April ee sannadkii hore lagu qabtay iyadoo doonaysay inay dalka Britain ku soo gasho Baasaboor uu qof kale lahaa.

Haweenaydaasi ayaa la sheegay inay Baasaboorkaasi kaga soo dhooftay magaalladda Munich ee dalka Jarmalka, waxaana  lagu qabtay Garoonka Diyaaradaha ee Stanstead Airport ee ku yaalla magaalladda London.

Barwaaqo Axmed ayaa la sheegay inay iyada iyo carruurteeda sannadkii 2015-kii ka soo qaxeen Somalia, iyagoo u doo dhoofay dalka Jarmalka,ka hor intaysan si sharci-darro ku soo gelin dalka Britain.

Saygeeda oo lagu magacaabo Saciid Osman Hersi oo 43-jir ah, ayaa isagana  lagu soo oogay inuu Xaaskiisa ka taageeray sidii ay ku soogeli lahayd dalka Britain.

Saciid Osman Hersi oo dalka Britain ku noolaa tan iyo sannadkii
1990-kii, isla markaana haysta Dhaslashadda British-ka, waxa uu
Maxkamadda ka hor qirtay inuu galay Dembiga lagu soo oogay.

Lamaanahaasi iyo saddex gabdhood oo ay dhalaeen waxay  haatan deggan yihiin.K/bari ee magaalladda London

Dhinaca kale, Garsoore Patricia Lynch oo ka tirsan Maxkamadda
Chelmsford Crown ayaa shalay joojisay Xukun Lammaanayaasha sannadkii hore lagu xukumay xabsi min 9-bilood ah.

Garsooraha waxay sheegtay  inay Barwaaqo Ahmed tahay Hooyo ilmo yar nuujinayso, isla markaana uusan Sharciga Britain caqabad ku noqon Karin Qaxootiga doonaya inay noqdaan Shaqaale iyo Muwaadiniin wanaagsan.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media