Maxkamada ciidamada qalabka sida oo xukuntay dadkii ka dambeeyay qaraxii Daallo

Maxkamada ciidamada qalabka sida ayaa saakay xukuno kala duwan ku riday dad badan oo hore loola xiriirinayay qaraxii diyaarada Daallo.

Guddoomiyaha maxkamadda darajada koowaad ee ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya, gaashaanle sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa ku dhawaaqay xukunada lagu riday eedeysanayaasha.

Maxkamada ayaa xabsi daa’in ah ku riday C/wali Maxamuud Macow iyo Careys Xaashi Cabdi oo maqane ah sida uu Xasan Cali Nuur Shuute ku dhawaaqay.

Maxkamada ayaa sheegtay in C/wali Maxamuud Macow oo ahaa madaxii amniga ee hey’adda duulista iyo saadasha hawada ee garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde uu kamid ahaa dadkii soo abaabulay qaraxasi.

Sido kale maxkamada ayaa sheegtay in Safiyo C/laahi Xasan Cali iyo Abshir Maxamed Macalin Axmed in lagu xukumay afar sano oo xarig ah.

Al Shabab ayaa sheegatay masuuliyada qaraxii diyaarada Daallo Airlines oo dhacay horaantii bishii Febraayo ee sanadkan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor