Maxkamada Ciidamada Maamulka Jubbaland oo Xukuntay Dad lagu qabtay Maandooriye

Maxkamada Ciidamada Maamulka Jubbaland ayaa ku riday 7 Ruux oo Maandooriyaha adeegsan jiray min 3 bilood oo Xarig ah iyo iney bixiyan lacag dhan 5 kun oo Dollarka Mareykanka.

Gudoomiye ku xigeenka Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida Maamulka Jubbaland Bashiir Maxamuud Xareed ayaa Warbaahinta u sheegay in dadkan ay adeegsan jireen waxyaabaha Maaanka Dooriya.

Maamulka Jubbaland ayaa hore u mamnuucay adeegsiga Maandooriyaha waxana uu Maamulkasi la tiigsadaa Maxkamad cidkasta oo lagu helo dambigasi.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor