Maxkamada Ciidamada Jubbaland oo xukuntay Askari dilay xaaskiisa

Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa waxaa Maanta ay xukun dil toogasho ah ku riday Cabdullaahi Aasad oo ka tirsanaa Ciidamada Jubbaland,isla markaana horay u dilay Xaaskiisa.

Goobta uu xukunka ka dhacayay ayaa waxaa ehelada qaar kamid ah gabadha xaaskiisa aheyd ee uu dilay xilli habeen ah.

Cabdullaahi Asad wuxuu katirsanaa Ciidamada Darawiishta gaar ahaan Xafiiska bixinta Mushaaradka Ciidamada Dowlad goboleedka Jubbaland,waxana markii uu dilka u geystay xaaskiisa Bartamahii bisha April gacanta ku dhigay Ciidamada Jubbaland,isla marakana ugu dambeyn Maanta la xukumay.

Maxkamada ayaa sidoo kale shaacisay hadii aan xukunkas lagu qanacsaneyn in racfaan ka qadan karaan ehelada Askariga oo ku sugan Magalada Kismaayo.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor