Maxkamada Ciidamada Jubbaland oo riday Xukun dil ah

Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee Dowlad Goboleedka jubbaland ayaa xukun ku riday Askari ka tirsanaa Ciidamada Maamulkaas oo Kismaayo ku dilay qof Shacab ah.

C/rashiid Axmed Xasan ayaa ka soo muuqday MAxkamada ciidamada Jubbaland,isaga oo 12-kii Bishii May dilay qof Shacab ah sida uu sheegay Xeer ilaaliyaha maxkamadda Ciidamada Jubbaland Mowliid Axmed Yaasiin.

Bashiir Maxamuud Xareed oo ah Gudoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Jubbaland ayaa sheegay in askariga lagu xukumay dil toogasho taas oo ah qisaastii Marxuum Maxamed C/laahi Xersi.

Shalay oo Jimco ah ayay aheyd markii Maxkamada Ciidamada Jubbaland ay xukun dil toogasho ah ku fulisay Saddex Askari oo mid ka mid ah uu horay u dilay Xaaskiisa oo lagu magacabi jiray Muxubo Cabdi Guuri.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor