Maxkamad Maanta dib u fureysa Kiiskii Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur

Maanta oo Arbaco ah ayaa loo balansan yahay in uu Maxkamada Racfaanka Gobolka Banaadir uu tago si dib loogu furo kiiskii loo heystay Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame.

21,kii Bishaan ayaa Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame waxaa la horgeeyay Maxkamada Gobolka Banaadir balse markii dambe ay fasaxday,waxana barbar socday warqad ay maalin ka hor soo saartay Maxkamada rafaanka gobolka Banaadir si kiiskaas markale ay dib u furtay.

Maanta ayaa qorshuhu yahay in uu tago Siyaasiga Maxkamada Racfaanka Gobolka Banaadir kadib markii uu Racfaanka qaatay siideyntiisa xeer ilaaliyaha Qaranka oo sharcidaro ku tilmaamay Go’aankii Maxkamada Gobolka Banaadir.

Hadii uu Maxkamada Hrtago Siyaasi Cabdi Shakuur Warsame, ayaa waxaa siudoo kale goobjoog ka noqon doono Saddex qareen oo u doodaya iyo Xeer ilaalinta Qaranka oo iyana dhageysan doonto.

Sikastaba Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame ayaa shir Jaraa’id uu qabtay Maalma ka hor waxa uu ku sheegay in weerarkii lagu qaaday hoygiisa uu qorshuhu ahaa in lgu dilo, isla markaana Madaxda dalka uu dacwad ka gudbin doono.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media