Maxkamad la soo taagay Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu qabtay hub Sharcidarro ah

Wiil dhallinyaro Somali oo ka mid ah Soomaalida ku nool magaalladda Mombasa ee dalkaasi ayaa shalay la soo taagay Maxkamadda, isagoo lagu so ooogay inuu haystay hub sharci-darro ah iyo Shaabadda Boliska Kenya oo been abuur ah.

Wargeyska The Standard oo aan Warkan ka soo xiganay ayaa qoray in Eedeysane Axmed C/llaahi Daahir lagu soo oogay inuu haystay Bistoolad, rasaas iyo Timbaraha Boliska Kenya oo macmaal ah.

Dacwad-oogayaasha waxay sheegeen inay ku soo qabteen Bistoolad nooceedu ahaa CESKA iyo 25 rasaasta dhumucdeedu tahay  9 milimitir Calibre iyo inauu haystay Dukumentiyada Milkiyadda Hubkaasi oo la been abuuray iyo Shaabadda Boliska oo macmal ah.

Eedeysanaha oo bishii April 18-dii ee sannadkan laga soo qabtay Xaafadda BONDENI  ee magaalladda Mombasa waxa uu beeniyey dhamaan Eedeymihii lagu soo oogay.

Dhinaca kale, Garsooraha Maxkamadda ayaa sheegay in Dacwadda dib loo dhegeysan bishan May 28-da, waxaana  Eedeysanaha lagu sii daayo Damiin Lacageed oo dhan 50,000 oo Shillinka Kenya.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media