Maxkamad ku talla Kenya oo xukun ku riday Nin dhimirka la’ oo sheegtay inuu ka tirsan yahay Alshabaab

Maxkamadda Degmadda Narok ee dalka Kenya ayaa xukun 10-sanno ah ku riday Nin lagu magacaaboIsaaq Lekishon Taruru, kaasi oo Boliska siiyey Warbixin been ah oo ku aadan inuu ka tirsan yahay Xarakadda Alshabaab, isla markaana inuu tagay Mombasa, halkaasi oo uu sheegay in magaciisa hore laga bedelay, waa sida uu hadalka u yiri Ninkaasi.

Maxkamaddu waxay sheegtay inuu Eedeysanaha  Rafcaan ka qaadan karo Xukunkaasi  muddo 14 maalmood ah.

Dhinaca kale, Maxkamadda waxaa loo gudbiyey Qoraal caddayn u ah inuu Eedeysanaha yahay nin waalan, sida ay caddeeyeen Dhakhaatiirta Isbitaalka Dhimirka ee Mathare Mental Hospital.

©Radio Dalsan 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor