Maxkamad ku taallo Jesiiradda Malta oo xukun ku riday Muwaadin Somaliyeed

Muwaadinkaasi oo lagu magacaabo C/qaadir Maxamuud Cabdi-xukun ayaa waxaa maanta  la soo taagay Maxkamad ku taalla Jesiiradda Malta, kadib, markii lagu soo oogay inuu saakayto oo Talaado ah dhacay Gaari nooca dusha ka furan ee Pick-up ka soo dhacay Deegaanka Luqa.

Eedeysanahaasi oo 28-jir ah ayaa lagu soo oogay inuu isagoo sarqaansan uu gaariga dhacay, isla markaana uu shil la galay gaari kale.

Garyaqaankiisa ayaa u sheegay Garsoorayaasha Maxkamadda inay ogaadaan inuu Eedeysanuhu yahay nin had iyo jeer sarqaansan.

Haweeneyda Garsooraha ka ahayd xukunkaasi  ayaa sheegtay inay Eedeysanaha Soomaaliga ee lagu magacaabo  C/qaadir Maxamuud Cabdi-xukun ku riday xabsi muddo 12 bilood ah.

Waxay ku amartay Madaxda Xabsiyadda inay Eedeysanaha ka taageeraan sidii uu uga bixi lahaa dhibaatadda uu kala kulmo Khamriga uu xad-dhaafka u cabo.

Garyaqaankiisa ayaa isagana sheegay inuu Eedeysanuhu yahay nin aan afka ka qaadin Khamriga, waa sida uu hadalka u yiri.

Shalay ayey ahayd, markii Maxkamad ku taalla Jesiiradda Malta la soo taagay Muwaadin Somali oo lagu magacaabo Yasin Hassan Ali oo 35-jir ah, kaasi oo lagu soo oogay inuu isagoo sarqaansan oo aan asturnayn laga soo qabtay Waddo ay dadku ku badan yihiin.

Waxayna Maxkamaddu ku xukuntay ganaax lacageed oo dhan 20 Euro.

Eedeysane Yasiin Hassan Ali ayaa la sheegay inuusan lahayn Cinwaan Rasmi ah, isla markaana uu ka mid yahay Muhaajiriinta lagu hayo Xarunta Furan ee The Hall Far open Center.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor