Maxkamad ku taalla Talyaaniga oo xukun adag ku riday Mukhalas Soomaali ah oo geystay Jirdil

Cismaan Maxamuud oo 22-jir ah ayaa lagu xukumay Xabsi Daa’in, kadib, markii lagu helay inuu kufsaday, jir-dilay iyo inuu dilay Tahriibayaal lagu hayey Xero ku taalla Lama-degaanka dalka Libya.

Eedeysanaha waxaa kaloo lagu helay inuu Lacago madax-furasho ah ka qaatay qaar ka mid ah tahriibayaashii ku sugnaa Libya ee doonaysay inay u soo socdaalaan Qaaradda Europe.

Eedeysanaha waxaa bishii September ee sannadkii hore lagu qabtay magaalladda Milan ee dalka Talyaaniga, kadib, markii ay bar aqoonsadeen 2 gabdho oo ka mid ah Dhibanayaashii uu ku jir-dilay Xero dadka Tahriibayaasha looga qaato madax-furasho oo ku taalla magaalladda Bani Waliid ee dalka Talyaaniga.

Maxkamadda Milan waxay Eedeysanaha ku heshay inuu afduub iyo jir-dil u geystay Tahriibayaal Somali ah, kuwaasi oo uu ku khasbay inay Eheladooda bixiyaan Lacago madax-furasho ah.

Wakaalladda Wararka Talyaaniha ee ANSA ayaa sheegtay inay Maxkamadu ku heshay Eedeysanaha dilka 4 qof oo uu jir-dil ugu geystay Libya.

Maxkamadda Milan, waxay ku xukuntay Eedeysane Cismaan Maxamuud inuu 3-da sanno ugu horreysa ku qaato Xabsi Gaar ah, wuxuuna marka uu ka soo baxo dhamaysan doonaan Xukunkiisa oo dhamaystiran.

Maxkamadda waxay kaloo amartay in sida ugu dhaqsaha badan loogu soo dhoofiyo dalkiisa hooyo ee Somalia.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media