Maxkamad ku taalla Maraykanka oo ku gacan-sayrtay codsiga Nin Soomaali ku eedeysan Burcad-baddeednimo

Maxkamadda Federalka ee magaalladda Jikaako ee dalka Maraykanka ayaa ku gacan-sayrtay sheegashadda Eedeysane Soomaali ah oo lagu magacaabo C/weli C/qaadir Muuse, kaasi oo loo haysto Fal lagu afduubtay Markab Xamuul oo laga lahaa dalka Maraykanka sannadkii 2009-kii.

Eedeysanaha ayaa ku dooday inuu 16-jir ahaa markii uu ka qeyb galay Afduubkaasi, isagoo ah qofka keliya ee ka badbaaday Afduubkaasi oo ay komaandooska Maraykanka dileen 3 ka mid ah Burcad-baddeeda qafaalka u haysatay Markabkaasi.

Eedeysane C/weli C/qaadir Muuse waxay Maxkamaddu sannadkii 2011-kii ku xukuntay klu-dhawaad 34 sanno, inkastoo ay Maxkamad kale oo Heer Hoose oo la soo taagay  sannadkii 2009-kii da’diisa ku sheegeen ugu yaraan 18-sanno.

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor