Maxkamad ku taalla Malta oo xukun ku riday Shisheeye jir-dil iyo dhac u geystay Nin Somali ah.

Nin Somali  ayaa la sheegay in si arxan-darro leh loogu dhaawacay Deggaanka Paceville ee Jesiiradda Malta, isla markaana laga dhacay lacag iyo Mobayl.

Eedeysanayaasha jirdilka u geystay Muwaadinka Soomaaliga ayaa kala ahaa 3 u dhalatay Faransiiska, mid u dhashay dalka Belgium iyo mid u dhashay dalka Switzerland.

Boliska Malta waxay magacyadda Eedeysanayaashaasi ku kala sheegeen  Khalid Brik oo 21-jir ah, Ismaaciil Karamoko oo 19-jir ah. Fedrik Mara oo 22-jir, Mahdi Fayaad oo 19-jir ah iyo Kameliya Farax Franko Xayr ayaa la tilmaamay inay si wadajir ah u garaaceen oo u jir-dileen Muwaadinka Soomaaliga oo aan magaciisa la shaacinin.

Eedeysanayaasha oo la soo taagay Maxkamadda ayaa la sheegay inay ninka Soomaaliga ka dhaceen lacag kaash oo dhan 1,200 Euro iyo Mobayl lagu qiimeeyey 500 oo Euro, waxaana Eedeysanayaasha lagu xukumay min 18 bilood ah.

Dhinaca kale, Warbaahinta dalka Malta ma aysan soo bandhigin magaca Dhibanaha Soomaaliga, inta uu la eg yahay dhaawacyadda loo geystay, in loo soo celiyey hantidii laga dhacay  iyo haddii la dhigay Isbitaalka iyo in kale.

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor