Maxkamad ku taalla Malta oo xukun ku riday Muwaadin Somali ah.

C/raxmaan Aadan Maxamuud oo 21-jir ah ayaa la soo taagay Maxkamad ku taalla Jesiiradda Malta, kadib, markii lagu soo oogay in lagu qabtay isagoo iibinayo Maaan-dooriyaha Xashiishka.

Eedeysanaha ayaa la sheegay inay Saraakiil ka tirsan Ciiddanka  dharka cad qabteen maalintii Sabtiga ee la soo dhaafay, kadib, markii ay isaga dhigeen dad ka iibsanayo Xashiishka, waxayna ku qabteen xashiish culayskiisu ahaa in ka badan 2 garaam.

Garsooraha Maxkamadda waxa uu Eedeysanaha ku xukumay xabsi hal sanno iyo 2 bilood, wuxuuna Garsooruhu codsaday in Eedeysanaha loo diro Isbitaal si loo baaro xaalladiisa caafimaadka ee dhinaca Dhimirka.

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor