Maxkamad ku taalla Kenya oo xukun ku riday Muwaadin British lala xiriirinayo Alshabaab

Maxkamadda Sare ee magaalladda Mombasa waxaa maanta la soo taagay Jihadiste British oo lagu magacaabo Jermayne Garant, kaasi oo lala xiriirinayo inuu jaal la ahaa Haweeneyda Britishka ee  Samantha Lewthwhite, laguna naanayso Carmalada Cad.

Jermaine Grant

Eedeysanaha waxaa kaloo lagu helay inuu haystay Dukumentiyo la been abuuray, kuna hawlanaa sidii uu ku heli lahaa Warqadaha Aqoonsiga ee Muwaadinimadda Kenya, waxaana lagu xukumay Xabsi 9-sanno ah.

Garsooraha Maxkamadda Sare, Martin Muya ayaa xukunka ku dhawaaqay, wuxuuna Eedeysanaha u sheegay inuu haysto 14 maalmood oo uu Rafcaan kaga qaadan karo Xukunkaasi.

Jermaine Grant 1Jermayne Garant, waxaa la qabtay sannadkii 2012-kii, wuxuuna muddadaasi ku xirnaa Xabsiga Dhexe ee Shimo La Tewa oo ku yalla magaalladda Mombasa.

Dhinaca kale, Eedeysanaha ayaa la sheegay inuu ka tirsanaa Alshabaab, isla markaana uu saaxiib dhow la ahaa Haweeneyda Britishka ee lagu nanaayso Carmaladda Cad,  oo ay Boliska Caalamiga ee INTERPOL baadigoobayaan.

Carmalada Cad ayaan la ogeyn halka ay ku sugan tahay, inkastoo Sirdoonka Reer Galbeedka rumeysan yihiin inay weli ku sugan tahay gudaha Somalia, iyadoo u dhaxda Hoggaamiye Sare oo ka tirsan Xarakadda Alshabaab.

© Radio Dalsan             

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor