Maxkamad ku taalla Jesiiradda Maltta oo xukun ku riday Somali sarqaansanaa

Muwaadinkaasi oo lagu magacaabo Yasiin Hassan Ali ayaa la sheegay inay Boliska soo qabteen xilli uu saqraansanaa, isla markaana  ay dadka daawanayeen uu isagoo qaawan oo uu dhacdhacayey meel ku dhow Dhismaha Ergadda dalka Britain ku leeyihiin Deegaanka Ta’Xbiex.

Kormeer Jason Sultana ayaa u sheegay Maxkamadda inay dadka marayey Waddada ku soo war geliyeen fal-xumida Ninka Soomaaliga ee la sheegay inuu cabsanaa Khamri.

Eedeysanahaasi oo da’diisa lagu sheegay 35 jir ayaa la hor-geeyey Maxkamadda, wuxuuna codsaday in laga cafiyo Dembigaasi.

Garsooradda Maxkamadda oo lagu magacaabo Gabriella Vella waxay Eedeysanaha ku ganaaxday lacag dhan 20 Euro, waxayna uga digtay inuusan mar kale ku kicin Anshax-xumidda lagu soo oogay.

Eedeysane Yasiin Hassan Ali ayaa la sheegay inuusan lahayn Cinwaan Rasmi ah, isla markaana uu ka mid yahay Muhaajiriinta lagu hayo Xarunta Furan ee The Hall Far open Center.