Maxkamad ku taalla Jesiiradda Malta oo xukun ku riday Muwaadin Soomaali ah

Muwadain Soomaali ah oo lagu magacaabo Daa’uud Sheekh Axmed ayaa shalay la soo taagay Maxkamadda, isagoo lagu eedeyey inuu Xashiis iibinayey.

Eedeysanaha oo 23-jir ah waxa u uqirtay inay boliska ku soo qabteen isagoo haystay Xashiish Waaberigii hore ee isla shalay oo Axad ahayd.

Garsooraha Maxkamadda waxa uu Eedeysane Daa’uud Sheekh Axmed ku xukumay Xabsi 6 bilood ah, waxaana laga qafiifay Xukunkaasi oo lagu muteysan karo Xabsi 4 sanno ah.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor