Maxkamad ku taalla Gambia oo xukun ku riday Somali ku safrayey Baasaboor uusan lahayn

courtMaxkamadda Degmadda Brikama ee dalka Gambia waxaa la soo taagay Muwaadin Somali ah oo lagu magacaabo Cumar Guure Caddow, kaasi oo lagu helay inuu doonayey inuu dalkaasi kaga dhoofo Baasaboor uusan lahayn.

Muwaadinkaasi waxaa  bishii November 18-dii ee sannadkan lagu qabtay xilli uu doonayey inuu ka dhoofo Garoonka Caalamiga ee Diyaaradaha ee ku yaalla Caasimadda dalkaasi ee Banjul International Airport.

Muwaadinka Soomaaliga ee  Cumar Guure Caddow  ayaa waxa uu watay Baasaboor British iyo Tikidh uu leeyahay qof lagu magacaabo Axmed Wehliye, wuxuuna Eedeysanaha doonayey inuu raaco Diyaarad ay leedahay Shirkadda SN Brussels Airline oo ku sii jeeday Caasimadda dalka Belgium ee Brussels.

BRUSSELS AIRLINESWaxaa la sheegay inay Saraakiisha Garoonka u sheegeen inuusan lahayn Baasaboorka uu watay, balse waxa uu jeebkiisa ka soo bixiyey Baasaboor Soomaali oo uu lahaa, taasi oo keentay inay Saraakiisha ka shakiyaan, kuna wareejiyaan Waaxda Socdaalka ee dalkaasi.

Eedeysanaha waxa uu Maxkamadda u sheegay inuu Nin Mukhalas ah soo khiyaamay oo keenay dalka Gambia, kana qaatay Kumanaan Dollar, wuxuuna Maxkamadda ka codsaday in la cafiyo.

Dhinaca kale, Maxkamadda magaalladda Brikama ee dalka Gambia, waxay Muwaadinkaasi Soomaalida shalay ku xukuntay Ganaax Lacageed oo dhan 3,000 oo Lacagta laga isticmaalo dalka Gambia oo loo yaqaano Dalasi Money.

Garsoore Hilary Abeke oo ku dhawaaqday Xukunkaasi ayaa sheegtay haddii uu Eedeysane Cumar Guure Caddow bixin kari waayo Ganaaxaasi in loogu beddeli doono Xabsi shaqo oo muddo 3 sanno ah.

© Radio Dalsan    

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor