Maxkamad ku taalla Finland oo xukun ku riday Dhallinyarro Soomaali ah.

Maxkamadda Degmadda Tapanila oo ku taalla duleedka caasimadda dalkaasi ee Helsinki waxaa la soo taagay Afar Somali haysata dhalashadda dalkaasi, kuwaasi oo lagu soo eedeeyey inay gabdho ku tacadiyeen.

Mid ka mid ah Eedeysanayaasha waxaa lagu xukumay xabsi 1 sanno iyo 4 bilood, iyadoo labo kalena lagu xukumay min 1-sanno.

Maxkmaddu waxay sii daysay Labo kale, kadib, markii lagu waayey caddaymo muujinaya inay ku lug lahaayeen Kufsi-wadareedka lagu soo oogay Eedeysanayaasha kale.

Wargeyska Finaldn Today oo aan ka soo xiganay Xukunkaasi ayaa qoray in Jiilka soo korayo ee Soomaalida ku nool dalkaasi noqdeen kuwo horror oo kale ah, isla markaana intooda badan galaan fal-dembiyeed la xiriira kufsi.

Bishii Maarso ee sannadkii hore, Maxkamad ku taallo caasimadda dalkaasi ee Helsinki waxaa la soo taagay 5 Dhallinyaro Soomaali ah oo lagu helay inay wada kufsadeen Haweeney u dhalatay dalkaasi.

Waxaana Eedeysanayaasha lagu xukumay Xabsi ilaa 6 sanno ah.

Dhinaca kale,Tiro-koobka Rasmiga ee ka soo baxay Dowladda Finland, waxay Boliska diiwaan geliyeen 1,010 Kiis oo Kufsi ah, iyadoo dadka Muhaajiriinta yihiin saddex jeer ka sarreeyaan Eedeysanayaasha u dhashay dalkaasi ee geysta falalka Kufsiga.

Xigasho: Finland Today

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor